Madaxweynaha cusub ee Nigeria oo maanta la caleemo saarayo

by admin | Friday, May 29, 2015

Abuja : HN :–Madaxweynaha cusub ee Nigeria Muhammadu Buhari ayaa maanta oo jimco ah la filayaa in la dhaariyo, isagoo si rasmi ah ula wareegi doono Madaxtinimada dalka.

Xaflada caleema saarka oo ka dhici doonta magaalada Abuja ee Caasimada Nigeria, ayaa waxay noqoneysaa markii u horeysay taariikhda oo dowladda ay xukunka ku wareejiso mucaaradka.

Madaxweynihii laga guuleystay Goodluck Jonathan ayaa xilka ku wareejinayay Madaxweyne Buhari oo ah nin Muslim ah, askarina ah, waxaa lagu xusuustaa xukunkiisii milateriga adkaa sanadihii sideetamaadkii.

Munaasabada caleema saarkiisa ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax badan oo ka socota Afrika iyo wakiilo beesha Caalamka, waxaanaBuhari-iyo-Jonathan doorashadii bilo ka hor uu ku guuleystay lagu tilmaamay tii ugu wanaagsaneyd ee si cadaalad ah u dhacda.

Hasse ahaatee madaxweynaha cusub waxaa sugayacaqabado badan oo ay ugu weyn tahay arrimaha dhaqaalaha dalka oo hoos u dhaca ballaaran uu ka jiro iyo dagaalka Kooxda Boko Haram.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxweyne Buhari in xaalada dalka Nigeria ka jirta inuu wax ka bedelo karo, waxaana la xusuustaa inuu ahaa nin si adag ula soo dagaalamay musuq maasuqa

Dalka Nigeria ayaa ah dalka ugu badan Qaaradda Afrika, waana dalka ugu dhaqaalaha badan, waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay hareysay shidaal yari ka dhacday dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!