Madaxweynaha dalka Jabuuti oo la fillayo in uu gaaro magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Feb 20, 2015

Muqdisho : HN :– Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la fillayo in uu soo gaaro caasimada Soomaaliya saacadaha soo socda.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo xoog leh saacadihii aynu ka soo gudubnay waxaa ay ka waddeen jidadka muhiimka ah ee Muqdisho, waxaana xiligan la xirray oo xiran inta badan jidadka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gadiidka, gaar ahaan wadada ka timaada garoonka diyaaradaha Muqdisho ee tagtay madaxtooyada.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ioy wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu waddaa in ay maalinta bari ah kaga qeyb–gallaan magaaladaIsmaaciil-Cumar-Geele Muqdisho munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta afka hooyo oo ku beegan 21-Febraayo.

Munaasabadan oo ay dowladda Soomaaliya ay si weyn u diyaarisay qaban qaabadeeda ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan wafuud ka socota dhulalka Soomaalida degto, sida wafdi ka socda ismaamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, wafuud ka socota Kenya iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sanadkii 2011 yimid magaalada Muqdisho, xilligaasoo ay jirtay abaaro iyo macluul aad u daran, markii boqollaal qoysas ay gobolada dalka uga soo barakaceen abaaro.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga qaban qaabada xuska maalinta afka hooyo ee 21-Febraayo ayaa maalamahan ku howlanaa diyaarinta munaasabada iyo hab maamuuskeeda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!