Madaxweynaha dalka Turkiga oo maalinta bari ah imanaya magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Jan 22, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku imaanayo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya berri oo Jimco ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa la filayaa inuu berri dalka kusoo dhaweeyo Muqdisho dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho rasmi ah ku imaanaya Soomaaliya, ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa noqonayaa kii labaad oo Erdogan uu ku yimaado Soomaaliya, iyadoo uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimid sanadkiiXasan_Sheekh_Recep_Erdogan 2011-kii, xilligaas oo uu ahaa raiisul wasaaraha waddanka Turkiga.

Labada madaxweyne ayaa yeelan doona wadahadallo la xiriira is-kaashiga labada waddan, kuwaasoo diiradda lagu saari doono barnaamijyada horumarinta ee dowladda Turkigu ay kawado Soomaaliya iyo arrimo kale oo dalka wax-tar u leh.

Madaxweyne Erdoğan ayaa booqan doona qaar ka mid ah mashaariicda uu Turkigu maal-gelinayo, ka hor intaanu dhameysan socdaalkiisa.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!