Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo mar kale Soomaaliya tagi doona

by admin | Sunday, Jan 4, 2015

Muqdisho : HN : —Madaxweynaha dalka Turkiga   Recep Tayip Erdogan ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in in bishan mar kale uu booqasho ku iman doono dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa safarkiisa ugu horeeya ee sanadkan waxa uu ku tegi doonaa qaarada Afrika isagoo booqan doona 12 dal, taasoo ah booqashadii u horeeyay ee dalkiisa uga baxo tan iyo markii sanadkii hore loo doortay Madaxweynaha Turkiga.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo madaxtooyada dowlada Turkiga wareegga koowaad ayaa waxa uu booqan doonaa wadamada Ethiopia,Tanzania iyo Somaliya.

Erdogan ayaa waxa uu booqasho ku yimid sanadkii 2011-kii dalka Soomaaliya xilligaas oo uu ahaa Ra’iisal wasaareerdogan, iyadoo xilligaas Soomaaliya ka jirtay abaaro iyo macluul daran oo ay dad badan ku dhinteen, halka kumanaan ruux ay ka soo barakacen deegaanadooda.

Dowlada Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya iyadoo mashaariic faro badan oo dhinaca horumarinta ah ka fulisay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu xariga ka jari doono Madaxweyne Erdogen furitaanka isbitaalkii hore ee Digfeer iyadoo lagu wado in laga bedelo magacaa oo loogu magac daro Erdogen.

Safarkii madaxweyne Erdogan ee dalka Soomaaliya sanadkii 2011, waxaa uu ahaa mid qiimo gaar ah ugu fadhiyay umadda Soomaaliya, waana tan keentay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu noqdo mid xoog badan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!