Madaxweynaha dalka Yaman codsi u dirray QM

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Yaman : HN :–Madaxweynaha Yemen, Cabdul-rabbi Mansuur Haaddi ayaa Qaramada Midoobay ka dalbadya inay waddankiisa ku sameyso fara-gelin, kaddib markii uu Iiraan ku eedeeyay inay qayb weyn ka tahay rabshadaha dalkiisa ka socda ayna taageerto Xuuthiyiinta ka soo horjeeda.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradka ah ee Xuuthiyiinta iyo dowladda Iiraan ay isku dayeen inay afgambiyaan dowladdiisa, wuxuuna ka dalbaday inay arrintan farageliso, maadaama Mareykanku uu billaabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Yemen.

Cabdulrabbi Mansoor ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Koonfurta ku taalla ee Cadan, halkaasoo uu baxsadnimo ku tagay markiiYemen_Rabshado_Sokeeye (2) caasimadda dalka Yemen ay la wareegeen xoogagga Shiicadaha ah.

Sidoo kale, madaxweynaha Yemen ayaa ugu baaqay kooxaha mucaaradka ah ee haysta caasimadda dalkaas inay isaga baxaan, iyadoo kooxahan ay ku eedeynayaan dhankooda madaxweynaha Yemen inuu Yemen u horseedayo waxay ugu yeereen deggenaasho la’aan siyaasadeed.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah iyaguna kulan deg-deg ah ka yeelanaya codsiga uu u soo jeediyay Haaddi, iyadoo la dhowrayo natiijada kasoo baxda shirkaas.

Yemen ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka taagnaa dagaallo sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay, kaddib markii kooxaha Xuuthiyiinta ah ay dalkaas ka billaabeen dagaallo ay ku qabsadeen magaalada xarunta ah ee Sanca.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa billowday inay Yemen ka baxdo ciidamadeeda gaarka ah iyo diyaaradaha dagaalka, iyadoo taas sabab uga dhigtay xaaladda ammaan ee dalkaas oo sii xumaanaysa.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeed ay soo saareen golaha sare ee Xuuthiga Yemen ayaa lagu sheegay inaysan doonayn inay dalkaas ka fuliyaan waxay ugu yeereen dagaallo wasakheysan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!