Madaxweynaha dowladda oo bilaabay barnaamij baraha bulshada su’aalo lagu weydiinayo

by wadani | Friday, Apr 21, 2017

Muqdisho : HN :-Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta oo jimco ah bilowday Kulan Talo Wadaag ah oo Su’aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka Madaxtooyada.

“Madaxweynuhu wuxuu martigalinayaa kulan #TaloWadaag ah, waxaadna su’aalaha kusoo gudbin kartaan Twitter iyo Facebook”ayaa lagu yiri qoraalo la soo geliyay baraha bulshada Madaxweynaha.

Su’aal weydiintan ayaa bilaabatay saaka 9-ka subaxnimo xilliga Geeska Afrika, iyadoo ay ku egtahay 3-da galabnimo.

Kulanka Talo wadaag ee su’aal weydiinta Madaxweynaha ayay dadka fariimo ugu dirayaan baraha bulshada Madaxtooyada, sidoo kalena adeegsanaya Hashtag #TaloWadaag ama #TalkandTweet.

Sidoo kale waxaa barta Twitter-ka in Madaxweynaha uu su’aalaha ka jawaabi doono caawa, iyadoo illaa iyo hada dad ku dhow boqol ruux ay su’aalo weydiiyeen.

Hadaba waxaa la sugayaa jawaabaha Madaxweynaha ka bixiyo su’aalaha la soo weydiiyay oo qaarkood ah kuwo xasaasi ah.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!