Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo u anbabaxay Turkiga

by Somali | Tuesday, Dec 4, 2012 | 19 views

Muqdisho  : HN :   Waxaa goor dhaw ka duuley garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gollaha wasiirrada iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirrka maaliyada iyo qorsheynta, Max’uud Xassan Suleyman, wasiirrka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi iyo taliyahay ciidamada xoogagga dalka Jen C/qaadir Shiikh Cali Diini.

Mdaxweynaha ayaa ka hor inta uusan ka ababixin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa uu safarkiisa uga waramaya warbaahinta, isaga oo sheegay in madaxa dalka Turkiga ka wada hadlli doonaan arrimo muhiim ah.

“Safarkeenu waxaa uu ku sii wajan yahay dalka Turkiga si aan u xoojinno xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale madaxda Turkiga waxaan kala hadli doonnaa arrimo kale oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin: ammaanka dib u dhiska ciidamada, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayaa madaxweyne Xasan Shiikh ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud ayaa marka uu tago  dalka Turkiga waxaa kulan la qaadan doonaan madaxweynaha dalkaas Abdalla Guul, iyo ra’iisal wasaaraha dalkaas Tayip Erdogan.

Safarka uu maanta ugu anbabaxay dalka Turkiga madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu dalkaa ku tago   madaxweynaha tan iyo markii xilkaas la magacaabay.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!