Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo sheegay in la sii wadayo wada hadallada Soomaaliland

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 2 views

Muqdisho : HN : Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud ayaa sheegya in dowladda Soomaaliya si anba-qaadi doonto wada hadalladii bilowgga ahaa ee u socday dowladda iyo maamulka la baxay Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in wada hadallada labada dhinac hadda meel wanaagsan joogaan, islamarkaana dowladda uu madaxweynaha ka yahay ka sii anba-qaadi doonto halkaa ay hadda mareyso ama joogto.

‘’Wada hadallada halkooda ayeey ka sii socon doonaan, inkastoo ay jireen daruufo yar yar oo marar badan hakad ku keenay, haddana waxaan rajeynayaa in ay noqdaan kuwo miro dhala ,’’ ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Horay ayeey wada hadaladan u fureen mas’uuliyiintii dowladdii ku-meel-garka aheyd ee uu hogaaminayay madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmediyo mamulka Soomaaliland, waxaana magaalada Dubai mar isku arkay madaxweyihii hore Shariif Shiikh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!