Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh oo dib dalka ugu soo laabay

by admin | Sunday, Sep 28, 2014

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saakay dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhamaaday shirkii QM.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Pro Max’ed Cismaan Jawaari, ra’iisal wasaare C/wali, xubno ka tirsan labada golle iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Xassan ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo kaMadaxweyne-Xassan-Sheekh tirsan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa magaalada New-York uga soo qeyb-galay shirka 69-aad ee golaha guud ee QM, kaasoo sanadkiiba mar la qabto, waxaana uu shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadllayay xaalada dalka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!