Madaxweynaha Galmudug o la sheegay in xalay la weeraray

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

Gaalkacyo : HN :-  Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Xalay Koox Hubeysan oo la sheegay in ay Xirnaayeen Deriiska Ciidanka ayaa Weerar ku soo qaday Dhanka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Kooxda Hubeysan ayaa la sheegay in ay isku dhaceen Rag kale oo Dableey ah  islamarkaana Ilaaliya Xarumaha Ganacsi ee ku yaalla Dhanka Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dableeyda Weerarka soo qaaday ay Rasaas Huwiyeen Hotel Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ka degan yahay Magaalada Gaalkacyo.

Weli ma jirto Cid sheegatay Weerarkaasi,waxaana Weerarku uu imaanayaa Xilli Shalay la kala qaaday Ciidamada Labada Maamul.

Ugu danbeyntii, Galmudug weli kama hadlin Wararka sheegaya in Weerar lagu qaaday Hotelka Madaxweynaha galmudug uu Gaalkacyo ka degen yahay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!