Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

by admin | Sunday, Jul 19, 2015

Cadaado : HN :–Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed ayaa laga wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.Cabdikariin-Xuseen-Guuleed-1

Madaxweyne Guulleed iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa soo dhaweyntiisa diyaar-garowe waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo iyo mar xarun u aheyd madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid.

C/kariin Xusseen Guulleed oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka kooban gobollada Galguduud iyo Mudug ayaay booqashadiisan waxaa noqoneysaa tii ugu horeysay, isaga oo kulamo la qaadan doona waxgaradka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!