Madaxweynaha Galmudug oo ogolaaday in wada hadal lagu dhameeyo xiisada Gaalkacyo

by admin | Sunday, Sep 28, 2014

Gaalkacyo : HN :–Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta ku dhawaaqay in uu oggolaaday baaq Axaddii shalay uu soo saaray raysul wasaaraha Soomaaliya oo ku aaddanaa in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda duullimaadyada garoomada Gaalkacyo.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in uu maamulkiisa diyaar u yahay in uu wada-hadal la galo maamulka ay deriska yihiin ee Puntland, si meesha looga saaro xiisad colaadeed oo ka dhalata muranka la xiriira isticmaalka garoomada ku yaalla Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee ahaa in la xiro garoonka Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna intaas raaciyay in uu kuCabdi-Qeybdiid faraxsan yahay in madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ay soo farageliyeen khilaafka labada maamul oo uu sheegay inuu abuuray xiisad colaadeed.

Qeybdiid ayaa dhowaan ku eedeeyay maamulka Puntland inuu xiray garoon Galmudug ay ka sameysatay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa beeniyay eedeyntaas, wuxuuna sheegay inuusan xayiraad ku soo rogin garoonka uu Cabdi Qeybdiid sheegay in loo diiday inay diyaaradaha ka soo degaan.

Raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Sabtidii shalay ku dhawaaqay inuu sameeyay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray xallinta khilaafka u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dowladda ayaa ugu baaqday maamullada Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed.

Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay billaabaan wada-hadal lagu dhammeynayo khilaafka garoomada. Dowladdu waxay ballanqaadday inay fududeyn doonto qabsoomidda wada-hadallada iyo dhammeystirka khilaafka labada dhinac.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay u dirtay labada maamul guddi khubarro ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu madaxda labada si qoto dheer ugala hadlay arrimaha khilaafka, waxaaa ka dalbaday in si nabad ah lagu soo afjaro xiisadda.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!