Madaxweynaha Galmudug oo ugu baaqay xildhibaanada inay ka noqdaan mooshinka

by admin | Friday, Aug 14, 2015

Cadaado : HN:- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay  xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ka noqadaan mooshinka ay ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Galmudug ayaa  hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Cadaado oo lagu soo dhoweynayay safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maanta aysan ku habooneyn mooshin xil ka qaadis madaxweyne in la keeno.

Wuxuu intaas raaciyay in baarlamaanka Soomaaliya uu awood u leeyahay mooshin inuu ka keeno madaxweynaha balse xilligan daruufta lagu jiro horumar ay ku talaabsatay dowladu, isla markaana la hiigsanayo doorashooyin inay ka dhacaan dalka sanadka 2016-ka  aysan ku habooneen  mooshin ceynkan ah in la keeno.

Mmadaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay baarlamaanka federaalka Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan mooshinka ay ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka laabtaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!