Madaxweynaha Galmudug oo xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaannada maamulka

by wadani | Tuesday, Jan 10, 2017

Cadaado : HN :-Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Cabdkarin Xasan Guuleed oo maanta ay ku dhowaaqeen Baarlamaanka Galmudug inay kalsoonida kala laabteen ayuu ku sheegay in uu lagu soo rogay xaalad deg-deg ah Galmudug.

Wareegtadan oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Galmudug Cabdkarin Xuseen Guuleed ayaa waxaa ku taariiqeysan tahay 9ka bisha Janaayo 2017 oo ah maalin kahor markii ay ku dhowaaqeen xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug inay xilka ka qaadeen.

Xukunkan deg-dega ah ayaa socon doona muddo 90 maalmood ah oo laga bilaabao 9ka bisha Janaayo 2017. Waxana qoraalka lagu amray ciidamada amniga inay u hogaamsamaan amarka uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, lama oga halka ay sal dhigan doonto xiisadan siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!