Madaxweynaha Hirshabeelle oo Buula-burte u tagay xalinta xiisad halkaa ka taagan

by wadani | Thursday, Apr 20, 2017

Buula-burte : HN :-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo taliyaha ciidamada Amisom ee dalka Jabuti ayaa goor dhow gaaray magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Ujeedada socdaalka wafdiga ee degmada Buula-burte ayaa lagu sheegay inay la xiriirto dil shalay loo geystey mid kamid ah ciidamada AMISOM ee dalka Jabuti ee ka howlgala magaalada Buuloburte.

Dilka askarigan oo ka dhalisay xiisad magaalada Buuloburte ayaan jirin illaa iyo hadda cid loo qabtay,waxayna wararka ka imanaya magaalada Buuloburte ay sheegayaan in haatan ay socdaan kulamo albaabada loo xirtey.

Sidoo kale waxaa magaalada Buuloburte saakay gaaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Ugu danbeyntii, ciidamada nabadilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuti ayaa waxaa ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!