Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ka qeyb-gallaya waqtigan shir looga hadllayo New Dealka

by admin | Monday, Nov 10, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa xiligan ka soconaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho shir looga hadllayo Hiigsiga New Dealka ee sanadka 2016-ka, waxaana xubnaha shirka fadhigay oo ka qeyb-gallaya ka mid ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali oo is khilaafsan.

Shirka waxaa kaloo jooga saraakiil ka kala socta QM, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota Maamul goboleedyada ayaa shirkan si wada jir ah uga qeyb galaya.

Kulanka oo saddexdii bil mar la qabto ayaa looga hadlayaa waxyaabihii u qabsoomay dowladda iyo arrimaha Hiigsiga cusub (New Deal),shirka-new-deal-3 waxaana la filayaa in madaxda dowladda ay khudbado ka jeediyaan.

Qabsoomida shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo saameeyay dhamaan hey’adaha dowladda.

Waxaa la filayaa in shirka looga hadlo arrimaha kala aragti duwanaanshaha madaxda dowladda iyo in laga yaabo in saameyn ku yeesho arrimaha hiigsiga cusub.

Inkastoo beesha calaamku u muuqato mid ku dadaaleysa siddii meesha looga saari lahaa kala aragti-duwanaashaha madaxda sare ee dalka, ayaa haddana dhinaca kale waxaa muuqata in arrintaa waxba ka soo naasa cadaan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!