Madaxweynaha Jabuuti oo eedeyn u jeediyay mucaaradka dalkaas

by admin | Wednesday, Oct 1, 2014

Djabuuti : HN :– Madaxweynaha dalka Jabuuri,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreeysay sheegay mucaaradka dalkiisa in aanay diyaar u aheyn in xal laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya dowladda.

Geelle oo la hadlay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa sheegay dowladda u hoggaamiyo inay diyaar u tahay wada-hadal in lugu dhameeyo khilafka kala dhaxeeya mucaradka dalkiisa,balse waxaa uu ku eedeyey madaxda sare ee mucaaradka inay ka soo horjeedan xal laga gaaro khilafka.

Wada-hadallo u socday labada dhinac toddobaadkii la soo dhaafay ayaa daqiiqadihii u dambeeyay is afgaran waa ku dhamaatay, kaasoo mar kale xiisada siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeysay sii adkeeyay.

“Dalka wuxuu u baahan yahay nabad-gelyo,wadan kasta mucaarad lagama waayo waa wax iska jira, , wuxuu qofka xuquuq u leeyahayIsmaaciil-Cumar-Geelle inuu mudaahaaraad ku cabiro wuxuu leeyahay, laakiin xuquuqdaas in aanay waxyeelin dadka kale, inaan rabshado dhicin, in ganacsiga xirmo, in shaqo la tagi waayo, in cabsi gelin dhacdo”ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Docda kale,madaxweynaha Jabuuti waxaa meesha ka saaray in haba yaraatee aanay jirin dad u xir xiran siyaasad, cid aan dambi gelin mooyee, isagoo xusay in muwaadin kasta oo dambi gala in aan la xiri karin, isagoo aan qareen laheyn la soo taagi karin Maxkamad, taasoo uu tilmaamay inay ka mid tahay xuquuqda aas aasiga ee muwaadinka.

Mar la weydiiyay inuu mar afaraad uu isku soo sharaxayo xilka Madaxtinimada ayaa si kaftan ku jiro u yiri “Allaa Og, ma sii garan karo, laakiin anniga waxaa leeyahay wey iga dhan tahay”

Hadalka Geelle ayaa ku soo adaaya xilli xubnaha mucaaradka ah ay ku dhaliilen xukuumadda madaxweynaha Jabuuti inusan diyaar u ahayaan wada-hadallo lugu dhameeyo khilafka labada dhinac.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!