Madaxweynaha Kenya oo sheegay in ay sii wadayaan howlgalka Soomaaliya

by admin | Saturday, Jun 20, 2015

Nairobi : HN :–Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku celiyay in ciidammada dalkiisa ka socda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM inay sii joogi doonan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay sii waddi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isagoo marka ku sheegay ururka in uu yahay mid diidan nabadda waddamada ka tirsan gobolka.

Uhuru Kenyatta waxuu tilmaamay inay ka go’antahay taageerrada ku aadan nabad ku soo noqota Soomuhuuaaliya,taasna ay ku qasbayso sida uu sheegay ciidamadda Kenya inay ka mid ahaadan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

“Mar walba waxaa naga go’an sidii ay ku soo noqon lahayd,nabadda Soomaaliya,waxaana ka sii mid ahaan doona howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,”ayuu yiri Uhuru Kenyatta isagoo marka ku celiyay dowladisa inaysan diyaar u ahayn ciidanka ka jooga Soomaaliya inay la soo baxdo.

Hoggaamiyaasha mucaradka Kenya ayaa mar walba ugu baaqa madaxweynaha talada haya inuu soo celiyo ciidanka Kenya ka jooga Soomaaliya si ay xal ugu noqdaan weerarrada jogtada ah ee ka imaanaya al-Shabaab.

Weerarrada ugu badan ee ay fuliyeen dagaal-yahannada al-Shabaab sanadkan waxaa ay ka geysan gudaha Kenya,marka waxay ku andacoonayaan ciidanka Kenya inay isaga soo baxaan Soomaaliya,walow uu hadalka dhagaha ka furaystay madaxweynaha Kenya.

Hiiraan Net.
___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!