Madaxweynaha Kenya oo sheegtay in ciidamadooda ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya

by admin | Monday, Sep 22, 2014

Nairobi : HN :– Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamadooda ka soo bixin doonin Soomaaliya in dib looga soo celinayo nabada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay sanad kadib weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, halkaasoo lagu dilay ilaa 71 ruux.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaas, iyadoo jawaab kaga dhigeysay duulaanka ciidammada Kenya ee ka midka ah_66130353_kenyatta AMISOM ku soo qaadeen Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in shacabka Kenya iyo walaalahooda Soomaaliya ay xaq u leeyihiin in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, si Geeska Afrika u noqdo goob xasiloon oo dadku ay nabad ku naaloodaan.

Waxaa uu sheegay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Argagixisada, isagoo geesiyaal ku tilmaamay ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Bishii September ee sanadkii hore ayaa Al-Shabaab weerar hubeysan ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate, halkaasoo ah goob ay ka dukaameystaan dadka ajnabiga ah iyo dadka ladan ee Kenyanka ah, iyadoo weerarkaas ahaa kii labaad oo Al-Shabaab ku qaado meel ka baxsan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!