Madaxweynaha K/galbeed oo la kulmay wafdi ka socda midowgga Africa iyo Britain

by admin | Monday, Feb 2, 2015

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta ay halkaa gaareen saraakiil ka socday Britain iyo ciidamada AMISOM oo ay hormuud u ahayd, Linda oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Midowga Afrika ee AMISOM  iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Shir labo geesood ah oo dhaxmaray maamulka iyo wafdiga ayaa waxaa loogu wada hadlay arrimo muhiim u ah dadka iyo deegaankamadaxweanaha Koonfur-galbeed, waxaana diiradda lagu saaray kulanka qaabkii ciidamada Koonfur-galbeed qaybahooda kala duwan loo tayayn lahaa.

Qodobada kulanka looga hadlay ayaa tababaro, qalabeyn iyo tayeynta ciidanka maamulka, waxaa kaloo laga wada-hadlay qaabkii maamulka uu u yeelan lahaa xafiisyo qalabeysan iyo dhameystirka golaha wasiirrada iyo laamaha kale ee Koonfur-galbeed.

Waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa dhamaantood maanta la xiray iyadoo la filayo in uu yimaada safiirka turkiga Somalia u fadhiya oo la filayo inuu manta gaaro Baydhabo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!