Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo ugu dambeyn ku dhawaaqay inuu is casilay

by wadani | Thursday, Feb 15, 2018

K/Africa : HN :-Jacob Zuma ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha wadanka Koofur Afrika kadib markii xisbiga ANC uu u qabtay muddo 48 saacadood ah uu xilka ugaga dego.

Qudbad socotay muddo soddon daqiiqadood ah oo uu jeediyay ayuu Zuma ku sheegay inuusan raali ka ahayn qaabka xisbiga ANC uu ugu qasbay inuu si degdeg ah xilka ugaga dego kadib markii loo doortay hogaanka ururkaas Cyril Ramaphosa,balse uu aqbalayo go’aanada ka soo baxa xisbiga.“Waxaan go’aansaday in aan ka dago xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada oo aan si degdeg ahna ku wareejiyo ,”ayuu yiri Zuma oo sagaal sano soo xukumayay dalka Koofur Afrika.

“Inkastoo aan ka soo horjeedo go’aamada uu ururku gaaray,marwalba waxaan ahaa qof anshax leh oo ka mid ah xisbiga ANC.”ayuu sii raaciyay.

Xisbiga talada haya ee ANC ayaa ku hanjabay dhowaan in maalinta Khamiista ah ay codka kalsoonida u qaadi doonaan haddii uusan xilka ka degin Jacob Zuma.

“Aniga dartey qofna u dhiman maayo sidoo kale xisbiga ANC uma kala qeybsamayo.”ayuu si geesinimo leh ku yiri Zuma oo ka mid ahaa dadkii u soo halgamay xornimada dalka Koofur Afrika.

Hogaamiyaha xisbiga ANC ahna Madaxweyne ku xigeen Cyril Ramaphosa ayaa la filayaa inuu noqdo Madaxweyne ku meel gaar ah.

Madaxweyne cusub ayay tahay in lagu soo doorto muddo soddon cisho gudahood ah balse golaha wasiirada mudadaa howlahooda si caadi ah ayay u socon doonaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!