Madaxweynaha Koonfur Africa oo wal wal ka muujinaya rabashadaha isirnaceybka ah ee dalkiisa ka jira

by admin | Sunday, Apr 19, 2015

K/africa : HN :–Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa booqday xero qaxooti oo ay ku jiraan in ka badan 1000 shaqaale ajaaniib ah oo soo cararay, kaddib markii ay dhaceen rabshado mowjada ah oo looga soo horjeedo ajaaniibta.

Waxa uu raali galin ka bixiyay weerarada, kuwaas oo bilowday laba asbuuc ka hor, waloow ay ku ooriyeen dad kale oo halkaa joogay, iyaga oo ku eedeeynaya in uu ka gaabiyay sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Inta la og-yahay ilaa lix ruux ayaa ku dhimatay rabshadahan, oo ay sababeen kooxo hubaysan oo bartilmaameedsanayay dukaamada ay leeyihiin dadka ajaaniibta ah, waxaana dadka deegaanka ay ku eedeeyeen ajaaniibta in ay la wareegayaan shaqooyinkoodii.

Ku dhowaad 32 ruux ayaa loo xiray rabshadaha ka socda Koofur Afrika, halka ugu yaraan lix ruux oo ajnabi ah ay ku dhinteen Opening Media Lunch 'World Cup 2010 - before the kick-off':weerarada looga soo horjeedo dadka ajnabiga ah.

Muwaadiniinta Koofur Afrikan ayaa ku andacoonaya in dadka ajnabiga ay ka xoogeen shaqooyinkooda iyo ganacsiga.

Boob xoogan ayaa loo geystay mehrado ganacsi oo ku yaala magaalada Johannesburg iyo magaalooyin kale, waxaana lagu dhaawacay dad fara badan.

Soomaali badan oo ku sugan Koofur Afrika ayaa ka mid ahaa dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen weerarada, waxaana Soomaalidu dhibane u ahaa kooxaha burcada koofur afrikaanka oo sanadihii u dambeeyay ay dilal, dhaawac iyo boob hantiyadeed u geysanayeen.

Muuqalo la soo bandhigay ayaa abuuray caro xooggan,markii ay dadka gubeen muwaatiniinta Koonfur Afrika u dhashay,taas oo sababtay dalal badan Afrikan ah inay billaabay inay muwaadiniintooda la baxaan, iyagoo uga jawaabayay weerarada ka dhanka ah dadka ajnabiga ah, waxaana Koofur Afrika ku sugan Afrikan iyo Aasiyaan oo mehrado ganacsi ku leh.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!