Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo magacaabay agaasimayaal guud

by Yahye | Thursday, Oct 9, 2014

Garowe: HN:- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay agaasimeyaasha guud ee qaar ka tirsan wasaaradaha maamulka, isbaddalna ku sameeyey madaxda garsoorka gobollada Mudug iyo Bari.

Agaasimeyaasha oo ay tiradoodu gaarayso 13 xubnood ayaa ka howl-gali doona 12 wasaaradood, sida ku cad wareegto maanta kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas.

Wareegtada ayaaa lagu sheegay in madaxweyne Gaas uu magacaabista agaasimeyaasha guud kala tashaday madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiim Xaaji Cumar.

Agaasimeyaasha guud ee uu maanta magacaabay madaxweynaha Puntland ayaa kala ah:

1-      Muno Daahir Dalmar, agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska.

2-       Rooble Faarax Ciise, agaasimaha guud ee wasaaradda garoommada iyo duulista hawada.

3-       Ibraahin Xareed Cali, agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka.

4-       Maxamad Cabdulqaadir Cismaan, agaasimaha guud ee wasaradda xannaanada xoolaha.

5-       Yaasiin Cali Yuusuf, agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

6-      Cabdirisaaq Maxmed Cali, agaasimaha guud ee  wasaradda deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta.

7-      Maxmed Cali Faarax,  agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga.

8-       Cabdikhadar Muuse Guure, agaasimaha guud ee wasaaradda amniga (Qayb gaar ah).

9-       Cabdirisaaq Maxamad Xasan,  agaasimaha guud ee wasaaradda amniga (Qayb gaar ah).

10-    Daahir Maxamed Muuse,  agaasimaha guud ee wasaradda warshadaha (Qaybta ganacsiga).

11-   Cabdirisaaq Yuusuf,  agaasimaha guud ee wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga (Qaybta warshadaha).

12-   Maxamed Ismaaciil Siciid, agaasimaha guud ee wasaradda warfaafinta ,isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka.

13-    Kayse Cabdi Shire, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  iyo tacliinta sare.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!