Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo gaaray magaalada Beledweyne

by wadani | Wednesday, Jan 4, 2017

Beledweyne : HN :-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble islamarkana u weheliyo Wasiirkii hore ee Ariimaha gudaha  iyo Federaalka Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray Magalaada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Magalaada Baladweyne ayaa wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Maamulka heer gobol iyo degmo,odayasha dhaqanka,Saraakiisha ciidaamda dowlada iyo kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa Munaasabad  kooban oo lagu soo dhaweeyay loogu sameyay xarunta Maamulka Gobolka iyado ay ka qeyb galeen maamulka gobolka kan degmada Baladweyne iyo qeybaha bulshada.

Ujeedada socdaalka wafdiga madaxweynaha maamulka ayaa lagu sheegay siddii ay ugu guurgali lahaayeen xaalada abaarta gobolka ka jirta iyo xal u helida colaada marar badan ku noq noqtay gobolka oo dhawaan hishiis laga gaaray.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (12) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (2)  Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (3) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (4) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (5) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (6) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (7) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (8)Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (1) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (9) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (11) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (1) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (13) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (14) Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (15)Madaxweynaha  Hirshabeelle Hiilnews (2)

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!