Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab

by admin | Monday, Aug 24, 2015

Kismaayo : HN :–Madaxweynaha mar kale la doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan.

Axmed Madoobe oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howl galkaas uu dhowaan bilaaban doono, isagoo xusay in ciidamada maamulkiisa ay diyaar yihiin, isla markaana ay ka sugayaan xiriirinta howl galkaas AMISOM iyo dowladda Federaalka.

“Waxaa hada qorsheysan in la bilaabo wajiga labaad ee howl galka oo la qabto Jubadda Dhexe, aniga Jubbaland ahaan ciidamadeenaaxmed-madoobe-6 waa diyaar, waxaa ka rajeyneynaa xiriirinta AMISOM iyo dowladda Federaalka in arrintaas si deg deg ah la isku aadiyo, waqti dhow waa bilaaban doonaan barnaamijkaas jadwalka ku jiro”ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa xusay in howl galka ay ka wadaan Jubooyinka uu ka dhib badan yahay kuwa kale, maadaama gobolka uu yahay dhul keyn ah iyo meelo lagu dhuumaaleysan karo, isla markaana culeyska Shabaab uu badnaa markii dagaalka ay ka soo bilaabayeen xuduuda.

“Gobollada Jubbooyinka marka aad egto waa meelaha ugu badan oo ay ka dagaallamaan Al-shabaab, waxaana sabab u ah waa dhul dhuumasho leh, oo duur ah, sidda daraadeed dagaalkii aan la soo gallnay Al-shabaab waxaa uu ahaa mid culeyskiisa lahaa, ”ayuu yiri mar kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland, kadib doorasho shaki badan la geliyay oo todobaadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo,

Dhawaan ayeey aheyd markii ay Al-shabaab weerar culus oo ismiidaamin ahaa ku qaadeen xero lagu tababaro ciidammada oo ku taalla magaalada Kismaayo, iyaga oo weerarkaa ku dillay 25 askari oo ka tirsanaa ciidammadii tababarku u socday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!