Madaxweynaha Mareykanka oo fariin digiin ah u dirray dhalinyarrada Soomaali Mareykanka ah

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 4 views

Washington : HN :  Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa fariin digniin ah u dirray dhalinyarrada Soomaali Mareykanka ah ee ku nool dalkaas, sida lagu qoray wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalkaas.

Madaxweynaha oo ka hadllay amniga dalka Mareykanka ayaa sheegay walaaca laga qabi karo in ay dhibaatooyin kala duwan ka geystaan dalkaas dhalinyarro sida uu hadalka u dhigay ku xiran kooxaha argagixisada ah.

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhalinyarrada Soomaalida ah ee heysta dhalashada dalkaas, isaga oo uga digay in ay ku biiraan ama ka mid noqdaan kooxaha Al-shabaab oo ah koox ku xiran ururka Al-Qaacida.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in dowladda Mareykanka ka warheyso, islamarkaana ilo gooni ah ku heyn doonto dhalinyarro badan oo ku dhaqan gudaha dalkaas, kuwaasoo ay marin habaabiyeen ayuu yiri kooxaha argagixisada.

Si gaar ah waxaa uu u sheegay in ay jiraan dhalinyarro badan oo dib uga soo laabtay dalal kale oo ay tababar ku soo qaateen , islamarkaana gudaha u soo galay dalka Mareykanka, waxaana uu sheegay in arintaa daba-gal lagu hayo.

Sanadiihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray warar ka hadllaya in dhalinyarro badan oo Soomaali Ameericaan ah oo ku xiran Al-shabaab dib ugu laabteen gudaha dalka Mareykanka kadib markii ay tababar ku qaateen Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!