Madaxweynaha oo beesha caalamka ka dalbaday inay xushmeeyeen qaranimada Somaliya

by Yahye | Monday, Nov 3, 2014

Muqdisho; HN;- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul uga jawaabay baaqyo ka soo yeeray Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo ah in madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha ay wada shaqeeyaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan soo saaray kaddib markii madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo Midowga Yurub ay walaac weyn ka muujiyeen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in habka ugu fiican ee lagu taageeri karo madaxda Soomaaliya iyo hay’adahooda ay tahay in la xushmeeyo , isla markaana loo oggolaado inay khilaafyadooda ku xalliyaan habab sharci ah, iyagoo u maraya hay’adaha dalka ka dhisan.

Wuxuu xusay in loo baahan yahay xushmaynta qarannimada Soomaaliya, sida ku xusan dastuurka federaalka ee ku-meel-gaarka ah.

Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa ka digay in xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ay wiiqi karo dadaallada la doonayo in lagu soo celiyo amniga iyo kala dambaynta dalka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!