Madaxweynaha oo dalbaday tanaasul maadaama waqtigu yaryahay

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Muqdisho; HN;- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay xildhibaannada diiddan xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo in lagu soo daro wasiirradii hore inay tanaasul sameeyaan si ay howlaha xukuumaddu u sii socdaan, maadamaa uu waqtigu yaryahay.

Madaxweynha oo ka hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa xusay in loo baahan yahay in dulqaad la sameeyo, loona tanaasulo marxalada haatan uu dalka ku jiro.

“Waqtigu aad ayuu u yar yahay, haddaanan isu-tanaasulina waqtiga ayaa na dilaya, wuuna na macno tirayaa, waana fashilimaynaa. Inaan waqtiga ilaalinno ayaa nalaga rabaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh ku yiri hadal uu jeediyay xalay.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay inay suuro-gal tahay in xukuumad kasta oo lasoo dhiso la dhaliilo, balse looga gudbi karo dulqaad iyo isu-tanaasul, dhaliilaha lasoo jeedinanaya ay noqdaan kuwo horumar dalka u horseedaya ee aanay noqon kuwo dalka ku haynaya halka uu hadda joogo.Madaxweynaha1

“Xubnaha xukuumaddii hore qaarkood way soo noqonayaan… qaarkoodna waa suurogal in laga tago. Xukuumaddu waxay ka kooban tahay tiro kooban oo wasiirro ah oo dadka oo dhan ay ku jiraan. Xukuumad kasta oo timaada labo ama saddex eedeysa lama waynayo, balse taas waxaan uga gubi karnaa dulqaad iyo isku-tanaasul,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in isaga iyo ra’iisul wasaaruhu ay ku heshiiyeen in xukuumad loo dhan yahay lasoo dhiso, lagana arko dhammaan qabaa’illada Soomaaliyeed, iyadoo la eegayo habka awood-qaybsi ee dowladdu ay ku dhisan tahay.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali laga sugayo maalmahan inuu ku dhawaaqo wasiiro cusub oo bedela kuwi uu horay u kala diray, iyadoo muddadii 14-ka maalmood ahayd ee la siiyay ay in yar kaga harsan tahay.

Ugu dambeyn, xildhibaanno ku bahoobay kudlado ayaa shalay soo saaray bayaan ay ku sheegeen in haddii wasiirradii hore lasoo celiyo ay codka u diidi doonaan xukuumadda cusub, taasoo caqabad weyn ku noqon karta mar kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Sharma’arke ayaa bartamihii bishan dib uga laabtay xukuumad uu horay u soo magacaabay oo 60-xubnood ka koobnayd, kaddib markii ay kasoo horjeesteen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!