Madaxweynaha oo furay shirka maamul u samynta 3-da gobol ee K-galbeed

by Yahye | Tuesday, Oct 28, 2014

Baydhabo; HN;- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, oo galay wajigiisii saddexaad.

Madaxweyne Xasan ayaa ku ammaanay odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamada ee shirka sida ay ugu dhabar-adeygeen ka miro-dhallinta shirka oo haatan maraya wajigiisii ugu dambeeyay.

Wuxuu ugu baaqay ka qeyb-galayaasha shirka oo isugu jiray xildhibaanno, wasiirro, odayaal dhaqameed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan in horey loogu sii ambaqaado nabadda iyo horumarka.

Wuxuu kula dardaarmay ergada mataleysa saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose sidii ay uga fakari lahaayeen mustaqbalka iyo aayaha shacabka ku nool gobolladaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa saaka gaaray magaalada Baydhabo si uu u furo shirka.

Waxaa xubnaha wafdigiisa ka mid ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!