Madaxweynaha oo ka hadlllay dagaallada degmada Guri-ceel

by admin | Saturday, Feb 14, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa isaga oo jooga dalka Jarmalka waxaa uu ka hadllay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud, isaga oo ku baaqay in dagaalladaas deg deg loo joojiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalladaasi aysan ku lug laheyn Ahlu Sunna Waljameeca oo socdaalkiisii ugu danbeeyay sidda uuMadaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOL hadalka u dhigay hogaankooda sare ay isku arkeen degmada Dhuusa-mareeb.

“Colaadda ka taagan degmada Guri-ceel ma ahan mid ay ku lug leedahay Ahlusunna Wal-jamaaca, waayo hoggaanka sare ee Ahlu-sunna waxaan ku kulannay magaalada Dhuuso-mareeb waana ugu mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen la-dagaalanka Al-shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo aan sheegin cidda kale ee dowladda dagaalka ka socda Guriceel kula jirta.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Guri-ceel ayaa sidda dadka deegaanku sheegeen waxaa ay u dhaxeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa maamulka dowladda ee gobolka Galguduud iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!