Madaxweynaha oo u ambabaxay dalka Sacuudiga si xajka u soo gutto

by Yahye | Tuesday, Sep 30, 2014

Muqdisho; HN;- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda dalka Sucuudiga halkaasoo uu madaxweynuhu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka,

Madaxweynaha oo ay wehliyaan ku xigeenka Ra’isulwasaaraha ahna wasiirka diinta iyo Owqaafta Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno katirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyadoo madaxweynuhu uu casuumaad ka helay dowladda Sucuudiga isagoo gudashada waajibaadka alle kadib kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dowladda Sucuudiga.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!