Madaxweynaha Puntland” Al-shabaab waan kala wareegay Buuraha Galgala

by admin | Thursday, Oct 2, 2014

Garoowe : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay gallinkii danbe ee shalay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Al-shabaab ay kala wareegeen gacan ku heynta buuraha Galgala.

“Ciidamada Puntland waxay howl -gal ka sameeyeen buuraha Galgala, waxeyna la wareegeen saldhigii ugu weynaa ee Cadawga ee Buuraha Galgala, hadana firxadkooda ayay ciidamada joogaan, hadii alle yiraahdo waxaa rajeyneynaa in howshaas ay si guul ah ku soo gaba gabowdo, lagana xoreeyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd khasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu sheegay in dhankooda uu hal askari ka dhintay, Gagastiro kalena ka dhaawacantay, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in dhinaca Al-Shabaab uu soo gaaray dhimasho iyo dhaawac badan ah, balse ay dib ka soo sheegi doonaan tirada rasmiga ah sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay meel walba oo al-Shabaab kaga dhuumaaleysanayaan dhulka Puntland ka saari doonaan, si dadka reer Puntland ay nabad ugu seexdaan ugana soo toosaan.

Mar la weydiiyay sababta ay howl galkan u qaadeen ayuu xusay in balan-qaadka Xukuumada ay ka mid aheyd in Al-Shabaab meel walba oo ay joogaan ee Puntland ah ay ka xoreeyaan.

“Waxay aheyd balan qaadka Xukuumada inaan ka xoreyno burcad diimeedka dalka, waxaa balan qaad u sameynay shacabka puntland inay nabad ku sexdaan nabadna ku soo toosaan”ayuu yiri Dr. C/wali Gaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Madaxweynaha Puntland ee ah in laga saaray buurahaas oo in muddo ahba fariisin u aheyd.

Deegaanada Buuraleyda Galgala ayaa ah deegaano aad ugu dhib badan dhinaca socodka gaadiidka oo ay adag tahay in gaadiid uu maro, waxaa lagu tilmaamay in buurtaas ay tahay sida Buuraha Toora Boora ee dalka Afganistaan oo kale, waa dhul barwaaqo ah oo leh biyo, ceelal, iyo dhul beereed.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!