Madaxweynaha Puntland iyo ra’iisal wasaare C/wali oo u anbabaxay Qardho

by admin | Monday, Oct 13, 2014

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed  oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa goor dhaw u anbbaxay magaalada Qardho.

Ra’iisal wasaaraha waxaa socdaalkiisa Qardho ku wehliya madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas.

Wafdiga ka socda dowladda faderaalka iyo Puntland waxaa casuumaad u fidiyay boqorka beelaha Daarood, boqor Burhaan boqor Muuse boqor Yuusuf,waxaana la sheegay inay duleedka Qardho ku leeyihiin wafdiga qado.

“Waxaan tagayna Qardho waxaana halka ugu tagayna,boqor boqor Muuse boqor Yuusuf salan iyo duco ayaana ugu socona,halkaasdownload5 baano ku qadeyn doono,”ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Dadweynaha iyo maamulka degmada Qardho ayaa si weyn ugu diyaar garoobay soo dhawaynta wafdiga ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowladda Puntland,waddooyinka ayaana maanta lugu arkayay shacabka oo wata boorar iyo sawirrada madaxda Puntland iyo ra’iisul wasaaraha.

Galinka dambe ee maanta ayaa la sheegay wafdiga inay dib ugu soo laaban doonan magaalada Garoowe si ay uga qayb-galaan xiritaanka shirka wada xaajodka dowladda faderaalka iyo Puntland oo maanta soo xirmaya.

Booqashada uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tagayo Qardho ayaa noqonaysa markii ugu horaysay oo u tago tan iyo markii uu qabtay xilkan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!