Madaxweynaha Puntland oo aan ka qeyb-galli doonin shirka Copenhegan

by admin | Saturday, Nov 15, 2014

Garoowe : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka gobolleedka Puntland qorsheynayo in uusan ka qeyb-galli doonin shirka ka dhacaya magaalada Copenhegan.

Sababta ka baaqashada shirka ee madaxweyne Gaas ayaa la sheegayaa in ay la xiriirta kaddib markii uu sii cakirmay uuna cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee madaxda DF ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in meeqaamkii shirka loogu tala galay laga weeciyay isla markaasna uu hoos u dhacay rajadiisii ahayd hiigsiga 2016, isla markaana dawladaha iyo hay’adaha daneynayay shirkaasi sida EU , IGAD, Jaamacadda Carabta, Hay’adaha Caalamiga ay go’aansadeen iney Shirka u soo dirsadaan Agaasimayaal halka ay Dowlada Maraykanku ay gabi ahaanba diidey ka qayb galka, taasina ay soo dadajisay in Puntland ay shirkaasi u dirsanayso wafdi wasiiraa.

Arrintaan ayaa noqonaysa mid aysan dan ugu jirin madaxda dawladda, maadaamaa dawladda federaalka loogu yeeray in ayGagas agaasimayaal u soo dirsato, waxayna taasi muujinaysa halka uu madaxda dawladda gaarsiiyay khilaafkooda iyo sidii ay baaqdeen dano waaweyn oo shirkaasi laga heli lahaa.

Warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in shirka ajandihiisii ahaa New Deal ee yaboohida lacagaha loogu deeqayo Soomaaliya in hadda loo badalo shir looga hadlaya Amninga iyo waxa ka qabsoomay.

Xukuumadda Copenhegan oo shirkan marti galinaysa soona abaabushey ayaa shirkan loo ballansan-yahay 19 iyo 20 Novembar ayaa horey u sheegtey in la joojiyay kulan qayb ka ahaa shirkaas ka soo ahaa kulankii qurba-joogta iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka qurba-joogta ayaa lagu casumay ku dhowaad 500 oo Soomali ah oo ku nool wadamada qaaradda Yurub gaar ahaan kuwa Denmerka ay ka tirsan tahay ee Scandinavianka.

Kanasalida ay Dowlada Denmark kansashey kulanka Xasan Sheekh waxay muujineysaa in meekhaankii Madaxwaynaha hoos loo dhigey iyadoo ay jawaab cad u tahay khalkhalkhalka Siyaasadeed ee hada ka jira Villa Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!