Madaxweynaha Puntland oo dowladda ugu baaqay in la ilaaliyo dastuurka

by admin | Tuesday, Jun 16, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa ka digay in lagu xadgudbo Dastuurka KMG iyo qawaaniinta dalka u yaala, isagoo xusay in haddii laga leexdo nidaamkii federaalismka ee lagu heshiiyay ay Puntland tashan doonto.

Madaxweyne Gaas oo maalintii shalay khudbad ka jeediyay kulankii 35aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay aheyd hooyadii iyo aabihii Federaalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ku heshiisay nidaamka federalismka, dastuurka kumeel gaarka ahna wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida dastuurkaGaas-ok federaalku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntland waa aabihii iyo hooyadii faderaalka Soomaaliya, waxayna ku hamineysey mar walba Soomaaliya oo mid ah, kuna midowday habka Federaalka”ayuu yiri C/wali Gaas.

C/wali Gaas ayaa sheegay in qaadka hadda loo wado Federaalka uu yahay mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, isla markaana dhib u geysanaya maamuladii jiray.

“Haddii qaabka federaalka hadda loo wado uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka dhibna u geysanaya maamuladii jiray waxaa imaaneysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyay, Puntland waxay ka digeysa in lagu xadgudubo dastuurka iyo qawaaniinta dalka, lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nidaamka dowladnimada Soomaaliya”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Puntland ayaa dhowaan ka soo horjeesatay mooshinkii uu ansixiyay Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya ee ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubba, kaasoo horay cabasho uga timid.

Ma’aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale maamul goboleedka Puntland uga soo horjeestaan habka dowladda federaalka u maamuleyso dhismaha dhismaha maamul gobolleedyada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!