Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada London

by admin | Saturday, Oct 18, 2014

London : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka  C/wali Max’ed Cali Gaas iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada London ee caasimada cariga Ingiriiska.

Gaas iyo wafdiga uu hoggaaminaya ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Addis Ababa oo ay labadii maalin ee ugu dambeeyay ku sugnaayeen,halkaas oo la sheegay inay kulamo kula qaaten madaxda dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si ballaaran usoo dhoweysay Jaaliyadda Puntland ee cariga Ingiriiska ee ku sugun gobolladaGais dalkaasi , kuwaasi oo si diirran oo aanay ukala harin usoo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiigsa.

Waxaa gegedida caalamiga ah ee Heathrow Airport gibi-ahaanba is qariyey calanka Puntland oo ay ruxayeen dad-weynihii soo dhaweynayey madaxaweynaha ee goobtaasi soo buuxdhaafiyey,

Sidoo kale,bahda saxaafada Soomalida ee magaalada London ayaa iyaguna ugasoo qayb qaatay soo dhawaynta madaxweynaha si kala har lahayn.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku weheliyiin Wasiirka wasaarada Beeraha Dr. Boos iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa waxaa ay ku sugnaan doonaan magaalada London muddo todobaad ah.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!