Madaxweynaha Puntland oo ka hadllay dagaallada Galgala

by admin | Tuesday, Jan 6, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Garoowe, waxaa uu ka hadllay dagaallo culus oo ciidammada Puntland iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Galgala.

C/weli Gaas ayaa sheegay in dagaalladaas ay guulo waaweyn ka gaareen oo ay ka saareen Al-shabaab meelihii ay kaga sugnaayeen deegaankaas; ayna hadda si buuxda iyaga gacanta ugu haraan.

“Dagaalka Galgala waa wajigii labaad ee dagaallada aan Al-shabaab kula jirnay, waxaan ku dillnay 20 ka tirsan dasgaalyahannada Al-shabaab,,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa intaas ku daray in ciidamadooda ay kaga qabsadeen deegaanno ay ka mid yihiin; Galli-hoor, Dhagax-dheer, Guri-xiis iyo kuwo kale oo badan oo uu sheegay inay ka hooseeyaan buuraha Galgala oo ay saldhigyo ku lahaayeen kooxaha argagxisada ah.

“Waxaan Al-shabaab kaga dilnay dagaallada u dambeeyay 20-qof, waxaan ku dhaawacnay 29-kale. Waxaan kaloo kaga qabannay saraakiil ay ka mid yihiin; Mukhtaar C/lle Axmed oo ku magac-dheer (Axmed Gurey) iyo Axmed Cabdi Maxamed,” ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo sii hadlayay ayaa sheegay in dagaalladan socda ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay xoogagga Al-shabaab kaga saaraan meelaha ay weli kaga sugan yihiin deegaanka Galgala.

Gaas oo ka hadlayay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalladan ayaa sheegay inay kaga dhinteen illaa hadda shan askari; ayna dhaawacyo kasoo gaareen afar askari oo kale.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay go’aankooda ku aaddan Al-shabaab ayuu sheegay inay yihiin cadow caadeystay inay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, aysanna wax gor-gortan la geli doonin, balse ciddii ka tirsan oo si nabadgalyo ah isku soo dhiibta ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan.

“Xubnaha lagu qabtay dagaalka waxaa la horgeyn doonaa maxkamad taas ayaana go’aan ka gaari doonta. Cid walba oo dagaal lagu qabtana mowqifka aan ka taagannahay waa in maxkamad lasoo taago,” ayuu C/weli Gaas ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay sii wadi doonaan dagaalka ka socda Galgala illaa inta ay ka saarayaan qofka ugu dambeeya Al-shabaab deegaannada buuraleyda Galgala.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkii maanta ka dhacay buuraha Galgala oo tan iyo sannadkii 2010-kii ay u ahayd xarumo ay kaga sugan yihiin Puntland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!