Madaxweynaha Puntland oo kulamo Nairobi kula qaatay xubno ka tirsan beesha caalamka

by admin | Monday, Oct 5, 2015

Nairobi : HN :–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay danjire Dominik Langenbacher oo ah safiirka dowladda Switzerland u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu sheegay in uu qayb ka yahay kulamo uu madaxweynaha Puntland la yeelanayay xubno ka tirsan beesha caalamkaGaas_kulan_Nairobi_Kenya_660 ,waxaana war ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen arimo muhiim ah.

“Waxaa diirada lagu saaray sidii Puntland ay kaalmo uga heli lahayd dalka Switzerland, waxaana madaxweynaha iyo danjiraha ay iska waraysteen xaaladda guud ee Soomaaliya,“ ayaa lagu yiri war ka soo baxay Puntland.

“Dhamaan dadkii uu la kulmay madaxweyne Gaas waxaa warbixin uu ka siiyay fursadaha maal-gashi ee ka jira dalka gaar ahaan Puntland,“ ayaa mar kale lagu yiri warkan ,lamana sheegin waxyaabaha uu sida gaarka ah u dalbaday madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi uu kula kulmo jaaliyadda Puntland ee Kenya, mana ahan booqashadii ugu horeysay oo uu ku tago Kenya tan iyo markii uu ku guulaystay doorashada Puntland.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland oo maalmo ka hor ka dhoofay Gaalkacyo ayaa la kulmayay eedaymo la xiriira inuu maamulkiisu ka gaabiyay bixinta mushaarka ciidamada, taasoo marar kala duwan sababtay gadood ciidan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!