Madaxweynaha Puntland oo maanta u dhoofay dalka Kenya

by admin | Saturday, Jul 18, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u anbabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha la hadlay warbiihinta, waxaana uu sheegay in dalka Kenya uu uGaas-ok aadayo sidii uu usoo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo Kenya .

” In sha’allah waxaan rajeynayaa inuu noqdo safar kheyr qaba oo guul noogu soo dhammaada , waxaan ku dardaarmayaa in dadka reer Puntland nabadooda, horumarkooda iyo wanaagooda xajistaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo mira dhalay ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudada uu ku maqanyaha dalka Kenya kulamo la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalkaas, waxaana uu dib ugu soo laaban doona dalka gudihiisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!