Madaxweynaha Puntland oo wafdi u dirsaday shirka Copenhagen

by admin | Monday, Nov 17, 2014

Garoowe : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland, ayaa sheegaya in madaxweyne C/wali Gaas uu wafdi u diray shirka ka furmaya dalka Denmark  magaalada Copenhagen, kaddib markii uu ka baaqday ka qeyb-gallka shirkaas.

Madaxweyne C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa qorshuhu ahaa in uu ka qeyb-gallo shirka ayaa baajiyay,waxaana badalkiisa uu diray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah,Cali Axmed Faatax.

Sidoo kale,wafdiga oo maanta ka dhoofay Garoowe waxaa qayb ka ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashadda KMG ah ee Puntland Maxamed Xassan Barre.

Shirka arrimaha ugu weyn ee looga hadlayo waxaa qayb ka ah hiigsiga cusub ee Soomaaliya,kaaso ah qorshe la doonayo dalka inuu kaGagas samato baxo dhibaatada la degtay,waxaana loogu yeera ‘’New Deal’’ .

Miisanka shirka ayaa ah xilligan mid hooseya,maadaama dowlado badan iyo madaxda sare ee Soomaalida oo la rabay shirka inay ka qayb-galaan xilligan la sheegay inaysan ka qayb-gali doonin.

Arrinta ugu weyn ee shirkan ka dhigtay mid hooseysa waxaa ay tahay khilafka madaxda dowladda oo ay baasha caalamka isku dayday inay qaboojiso ka hor shirkan,balse madaxda is haysa ayaa ka dhaga adegay,taasna waxay keentay in dowlado uu Marekanku ka mid yahay caddeeyeen inaysan shirka ka qayb-galeen.

Xubno ka socda maamullada dalka iyo qar ka mid ah guddoomiyaal gobolka ayaa shirka ka qayb-galaya,dowladda faderaalka ayaa dhankeeda wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha u dirtay shirka si uu u matalo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!