Madaxweynaha Siilaanyo oo buuxiyay xilalkii ay baneeyeen wasiirrada is casilay

by admin | Tuesday, Oct 27, 2015

Siilaanyo-620x330Hargeysa :HN :– Madaxwyenaha maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo oo goor dhaw soo saaray wareegto, ayaa ku magacaabay wasiiro buuxinayay xilalkii ay baneeyeen wasiirradii maalintii shalay iska casillay maamulka xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo.

Siddan ayeey wareegtadu u qorneyd :

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

  1. Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta inuu ahaado wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)
  2. Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)
  3. Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)
  4. Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)
  5. Dr. Sacad Cali Shire, laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda & Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).
  6. Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado wasiirka wasaarada duulista hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
  7. Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga billaabo taariikhda maanta inuu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Hiiraan Net./

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!