Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay khilaafka gollaha wakiilada iyo rabashadihii….

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Hargeysa : HN:– Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa ka hadllay khilaafkii buuqa badan dhalinyay ee gollaha wakiilada Soomaaliland iyo shaqaaqadii dhismashada sababtay ee ka dhacday Burco.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in uu ka xun yahay inay dhacaan khilaaf iyo shaqaaqo uu abuuray Golaha baarlamaanka, waxaana uu tacsi u diray dadkii ku dhintay rabshadihii shalay ka dhacay Burco

“Waxaan ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray goloha baarlamaanka, waxa ay hay’adaha ay khuseyso ammaanka isoo gaarsiiyeen in sababtaaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii amaanka sugayey, hal qof oo rayid ahna uu ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, qaarabadii, eheladii iyo dhamaan dadka Jamhuuriayadda Somaliland, waan uga tacsiyeeynayaa aadna waan uga xumahay”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in aaanay cidna uga heebeysan doonin inay sameeyaan falal lagu carqaladeynayo ammaaanka, islaSiilaanyo-620x330 markaana ay tallaabo cad ay ka qaadi doonaan sida uu yiri

“Waxaan leeyahay nabad gelyada ha la ilaaliyo, halala shaqeeyo ciidamada booliska iyo guud ahaan hay’adaha ammaanka ku howlan, amaanka wa sheyga ugu qaalisan ee qarankani haysto, aniguna ka Madaxweyne ahaan, waa mas’uuliyadeyda koobaad, cidna ka yeeli mayo in nabad gelyada qalqal la geliyo”.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa nasiib daro ku tilmaamay in hadalada ka soo yeeraya Xisbiyada mucaaradka oo uu ku tilmaamay inay yihiin baaqyo qabyaaladeed, isla markaana aan loo baahneyn arrintaas

“Xisbiyada waxaa loo sameeyay in qiyaanada lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaaladeed, waxaan leeyahay qarankani waxaad u heysaan mas’uuliyad, waxaana waajib idin ku ah in aad ilaalisaan sumcadda, sharafta iyo heybadda qaranimada”ayuu yiri Siilaanyo.

Xildhibaanada muxaafidka ayaa shalay mooshin xil ka xayuubin ka geeyay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Cirro, iyadoo fadhigana uu hareeyay buuq keenay inay soo kala dhex galaan Golaha Guurtida, si ay u dhex dhexaadiyaan, waxaana fadhiga golaha wakiilada la hakiyay muddo labo cisho ah

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay uu buuq hareeyay fadhigii Golaha wakiilada, isla markaana ay ciidamada booliska xireen ilaa shan xildhibaan, waxaana Gudoomiyihii Golaha wakiilada C/raxmaan Cirro uu ku eedeeyay Xukuumada inay inqilaab kula wareegtay xarunta golaha wakiilada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!