Madaxweynaha Soomaaliland oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha maxkamada sare

by admin | Sunday, Apr 19, 2015

Hargeysa : HN :– Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaayo ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilkii kaga qaaday guddoomiyihii maxkamada sare Dr Yuusuf Ismaaciil Cali.

Silaanyo ayaa xil ka qaadistaasi ku sababeeyey inay cabashooyin badan ka yimaadeen guddidd cadaaladd,isla markaana lagu eedeeyey inuu shaqadiisii ka soo bixi waayey.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynaha Siilaanyo_Somaliland_Presidentdib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray. “in madaxweynaha warbixintii iyo talo soo jeedintii guddida cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo guddida cadaaladdu;

Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee shacabku ka muujiyeen guddoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorka dalka,

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay is-beddel lagu sameeyo garsoorka & cadaaladda dalka, waxaa go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii guddoomiyenimo ee maxkamada sare ee Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.” ayaa lagu yidhi wareegtadaasi.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in uu soo buuxin doono kaalinta uu ka qaaday gudoomiyihii naxakamada sare, hasayeeshee labada gole ee Guurtida iyo wakiilada uma uu gudbin in ay xilka ka xayuubiyaan.

Ugu danbeyntii, soo jeedinta ama xil ka qaadista madaxweynaha ayaa mari doonta fadhi wada jir ah oo ay yeeshaan labadda gole baarlamaan kuwaas ogolaan kara ama diidi kara xil ka qaadistaasi.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!