Madaxweynaha Soomaaliya oo amaanay xiriirka dowladdaha Soomaaliya iyo China

by admin | Sunday, Oct 12, 2014

Muqdisho : HN :– Dalka Shiinaha ayaa maanta si rasmi ah dib u furay safaaraddii uu ku lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dalal badan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dib u soo celinayay xiriirka dibloomaasi ee ay la leeyihiin Soomaaliya, kaddib markii ay ka soo raysay xaaladda ammaanka caasimadda.

Safiirka cusub ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Wei HongTian oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Warsame’, dibloomaasiyiin ka socday dalkaDib-u-furidda-safaaradda-Shiinaha-ee-Soomaaliya Shiinaha, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Nicholas Kay iyo dibloomaasiyiin kale ayaa ka qeyb-galay xafladda furitaanka safaaradda Shiinaha.

Madaxweyne Xasan ayaa xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ku tilmaamay mid soo jireen ah, waligiisna uusan xumaan tan iyo markii labada dal ay yeesheen xiriirka dibloomaasi.

Madaxweynaha ayaa dib u furidda safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ku tilmaamay tallaabo sii xoojineysa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!