Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay madaxa hay’adda Mareykanka ee USAID

by Somali | Thursday, Feb 21, 2013 | 2 views

USAID 3 Muqdisho : HN :  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxa hay’adda samafalka u qaabilsan dalka Mareykanka ee USAID Mr. Jajiv Shaah.

Kulanka dhaxmaray labada mas’uul ayaa imanaya kadib markii ay dhawaan sheegtay dowladda Mareykanka in ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya, waxaana booqashadiisan Muqdisho madaxa USAID ka horeeyay Keith Ellison oo ahaa Congressman.

“Dhammaan arrimihii aan kawada hadlanay Rajiv Shah waan isku afgaranay, waxaana u sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in hadda laga caawiyo dhinacyo badan wuuna naga ogolaaday,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib.

Waxaa uu madaxweynuhu sheegay in si gaar ah ay uga codsadeen hay’adda USAID mas’uulkeeda in laga taageero dowladda Soomaaliya dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale mas’uulkan waxaa ay is arkeen oo ay kulan wada qaateen ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay isla soo qaadeen in la taageero Soomaaliya, isagoo uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka dadaalka dheeriga ah ee ay Soomaaliya ku caawinayso.

Madaxweynaha dowladda Xassan Sheekh Max’uud ayaa ugu danbeytii sheegay in ay dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso xiriirka wanaagsan ee u bilaawday Soomaaliya iyo Mareykanka.

Hiiraan Net.

 

 

 

Like it? Share it!