Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray wasaarada maaliyada

by wadani | Thursday, Oct 27, 2016

yu-640x427Muqdisho : HN :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Maaliyadda oo ka kooban dhowr dabaq oo si casri ah loo dhisay, isagoo kormeerray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Duqa Muqdisho, taliliyeyaasha Ciidanka iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ah kuwa bixiyay qaar ka mid ah Canshruucta lagu dhisay dhismaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mid ka mid ah Lixdii tiir ee ay ku dhisneyd Dowladdiisa uu yahay horumarka iyo dib u habeynta siyaasadda Maaliyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay nidaamka Tiknoolajiyadda Maaliyaddeed ee dunida ay ku shaqeyso, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay soo gabagabeysay tijaabadii uu Caalamka geliyay oo haddii ay dhammaato Dalka laga cafin doono lacago deymo ah oo gaaraya Shan Bilyan oo dollar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ugu baaqay shacabkiisa in ay isku tashadaan oo ay u midoobaan sidii ay Dalkooda u dhisan lahaayeen.

Wasiirka Maaliyadda Maxamad Ibraahin “Fargeti” ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay dadaal balaaran ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, wuxuuna dhismaha xarunta wasaaradda ku tilmaamay guul isoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku dadaallaan bixinta Canshuurta, isagoo sheegay in la dhisay Waddooyin laami ah oo ay ku baxday Afar Milyan oo dollar oo ka timid Mashruuca Dalkaaga dhiso waa hantidada Dadka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Mashaariicda Wasaaraddaasi ayaa qiray in horumar weyn oo dhanka dib u habeynta shaqaalaha iyo xarumaha shaqo ee wasaaradda Maaliyadda la sameeyey, tallaabadaasina ay daliil u tahay dhismaha uu madaxweynaha xarigga ka jaray.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise, ayaa hoosta ka xariiqay in nidaam maaliyadeed oo deggan isla markaana la jaan-qaadi kara kuwa caalamka Soomaaliya ay yeelatay.mama2m1

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!