Madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa oo ka dhoofay Muqdisho

by admin | Sunday, Jan 25, 2015

2015125635577545863567220B8BhsdKCQAAzCtdMuqdisho : HN :– Wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow si nabad ga dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, kadib saacado oo uu ku sugnaa magaalada Mqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa uu furay mashaariic uu Turkiga ka hirgeliyay Soomaaliya, waxaana mashaariicdaas isugu jireen qeybta Terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, Isbitaalkii Digfeer oo magaca laga bedelay, looguna magac daray Recep Tayyib Erdogan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo mas’uuliyiin ayaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo ay ka qaaday diyaaradii keentay oo ku sugeysay garoonka.

hesheMadaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhinacyo badan kooban, waxaana Soomaaliya saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibada C/raxmaan Ducaale Beyle, halka dhowr wasiir oo Turkiga ay heshiiska dhinac ka wada saxiixeen.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan saddex sano iyo bar kadib soo booqdo magaalada Muqdisho, wadooyinkii bur bursanaa ee aan maray saddex sano ka hor maanta aad ayay u dhisan yihiin, aad ayaa gu faraxsanahay”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu qabteen Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan Soomaaliya, isagoo xusay in Dekeda Muqdisho ay ballaarin doonaan, isla markaana ay keenayaan qalab casri oo maraakiibta looga dajiyo Konteenarada.

20151256355776777407368162015125635577651875927911B8MEenqIUAAwsYSMadaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicdan ay astaan u yihiin xiriirka iyo walaaltinimada qotada dheer ee labada dal, Turkigana uu ogsoon yahay in dalkan ay ka jiraan baahiyo bulsho oo caafimaadku kow ka yahay.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in safaarada ay ka dhisanayaan Soomaaliya ay noqon doonto sida safaaradaha ugu waa weyn oo caalamka ku yaal, isagoo ku dhaliilay in dalalka Safaaradaha ku leh Muqdisho in dhismahooda kaliya yihiin Konteenaro.

Waxaa uu sheegay in diyaarada Turkish Airways ay maalin walba duulimaad ku imaan doonto magaalada Muqdisho, halka isbuucii ay afar jeer timaado,

Ugu danbeyntii, booqashada Madaxweynaha Turkiga ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xirnaayeen jidad badan oo muhiim ah, ammaankuna uu ahaa mid si aad ah loo adkeeyay oo ay ciidamada wadooyin badan ay taagnaayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!