Madaxweynaha Turkiga oo balan-qaaday in ay gacan ka geysanayaa dib u dhiska Soomaaliya

by Somali | Thursday, Dec 6, 2012 | 25 views

Ankara : HN :  Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa ku dhawaaqay in dowladda Turkiga gacan weyn ka geysan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya, kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Kadib shir jaraa’id oo ay magaalada Ankara ku wada qabteen labada madaxweyne ayuu ka sheegay madaxweynaha dalka Turkiga in dowladdiisu si dhab ah isku bar bar taagi doonta shacabka Soomaaliyeed kana caawin doonto dib u dhiska dalka.

‘’Labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir qota dheer oo adag, Soomaaliya waxaa ay gashay marxalada cusub oo ka duwan tii hore, sidaa daraadeed dowladda Turkiga waxaa ka go’an in ay gacan buuxda siiso dowladda Soomaaliya,’’ ayuu yiri,’’ madaxweynaha dalka Turkiga.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in kulamada uu la qaadanayo madaxda  dalka Turkiga yihiin kuwo lagu xoojinayo xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dalka.

Dowladda Turkiga ayaa sannadkii hore olole lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ka sameysay Muqdisho, kaddib markii uu booqasho ku yimid ra’iisul wsasaaraha dalkaas, Recep Tayyip Erdogan xilli ay beesha caalamku aad uga baqayeen inay booqdaan Soomaaliya oo ay colaado ka jireen; waxayna booqashadaas daaha u furtay xiriirka labada oo muddo maqnaa.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!