Madaxweynaha Turkiga oo dib u dhigay safarkii uu maanta ku iman lahaa Muqdisho

by admin | Friday, Jan 23, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo maanta magaalada Muqdisho looga diyaar-garoobayay booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha uu dib u dhigay safarkiisa kaddib geeridii xalay ku timid boqorkii dalka Sacuudiga Boqor C/dalla Bin-C/siis.

War laga soo gaaray madaxtooyada ayaa lagu sheegay in safarkii madaxweyne Erdogan uu dib u dhac ku yimid, kadib geerida Boqorka dalka Sacuudiga.

Afhayeenka madaxweynaha Da’ud Aweys ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Turkiga uu ku imaanayo Soomaaliya uu noqon doono aaska Boqor Cabdalla kadib.

Madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay in galabta uu dalka Sacuudiga uu kaga qeyb geli doono Salaada Janaasada ooRajab-Tayeb-Erdogan_17293 salaada casir lagu dukanayo Boqorka Dalka Sacuudiga Carabiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in salaada janaasada ee galabta lagu dukanayo Boqor Cabdalla ay ka soo qeyb geli doonaan Madax fara badan oo ka socota Caalamul Islaam.

Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waday inuu ka soo ambabaxo magaalada Addis Ababa oo uu shalay booqasho ku tagay.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna lagu wadaa inuu ka qeyb galo aaska iyo janaasada, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin.

Wadooyinka magaalada ayaa wali xiran, iyadoo ciidamada ammaanka ay sii adkeeyeen ammaanka guud ee Caasimada Muqdisho, kadib markii uu shalay qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa uu diyaar garow ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo loogu diyara garoobayay soo dhoweynta Madaxweynaha Turkiga, waxaa la xiray wadooyin badan oo muhiim ah, iyadoo calanka Turkiga iyo Soomaaliya lagu xardhay wadooyinka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!