Madaxweynaha Turkiga oo goor dhaw gaaray magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Jan 25, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow soo gaaray Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Diyaaradda sidday madaxweynaha Turkiga oo ah mid aad u weyn ayaa soo cago-dhigatay 11:10 barqonimo ee maanta, iyadoo xaflad weyn garoonka loogu qabtay wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Turkiga.

Booqashadna oo ah tii labaad oo uu Erdogan ku yimaado Muqdisho, isagoo horay Muqdisho u yimid sannadkii 2011-kii xilligii ay2015125635577545863567220B8BhsdKCQAAzCtd Somaaaliya ka jireen abaaro sababay macluul aad u fara badan.

Erdogan ayaa lagu wada inuu furo mashaariic kala duwan oo ay Turkigu ka hir-geliyeen Muqdisho, kuwaasoo ay qayb ka yihiin Terminal cusub oo laga hirgeliyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wuxuu salaam ka qaatay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhiniciisa uu taagan yahay Xasan Sh. Maxamuud, iyadoo kooxda bambeyda ay garaaceen muusiga astaanta u ah labada calan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ammaanka garoonka diyaaradaha iyo waddooyinka ku dhow ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo madaxweynaha Turkiga ay la socoto xaaskiisa iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo baarlamaanka dalkiisa.

Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa garoonka heeso kala duwan ka qaadayay, heesa ay ka mid yihiin kuwo ammaanayo dowladda Turkiga oo howlo kala duwan oo horumarineed ka hirgeliyay Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!